Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib ula wareegay deegaanka Sumadaale ee degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay fariisimo waaweyn ku lahaayeen kooxaha Khawaarijta. Howlgalka ayaa ciidamada u suurtageliyay inay Khawaarijta ka saaraan godadkii iyo fariisimihii ay ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo lagu soo warramayo in cadowgu uu halkaasi uga cararay j

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib ula wareegay deegaanka Sumadaale ee degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay fariisimo waaweyn ku lahaayeen kooxaha Khawaarijta.
Howlgalka ayaa ciidamada u suurtageliyay inay Khawaarijta ka saaraan godadkii iyo fariisimihii ay ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo lagu soo warramayo in cadowgu uu halkaasi uga cararay jab xooggan. Ciidanka ayaa Khawaarijta ka saaray Godadkii ay ku jireen, waxaana ay sii baacsanayaan firxadka horjoogeyaashii iyo Maleyshiyaadkii goobta isaga cararay.
Ciidamada Qaranka ayaa weli sii wada baacsiga firxadka horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii goobta ka baxsaday, si loo xaqiijiyo amniga deegaanka loogana hortago isku day kasta oo ay kooxdu dib ugu soo laaban karto.
Howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta iyo dib u xaqiijinta amniga deegaannada ay hore uga howlgelayeen.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.