Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay tallaabadii Muungaab
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo maanta soo saaray bayaan culus ayaa si weyn usoo dhaweeyay qorshaha dib u dejinta ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab). Duqa Muqdisho ayaa maalin kahor sheegay in tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo […] The

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo maanta soo saaray bayaan culus ayaa si weyn usoo dhaweeyay qorshaha dib u dejinta ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Duqa Muqdisho ayaa maalin kahor sheegay in tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo jihaynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo faraysa in hawlaha qurxinta caasimaddu ay barbar socoto ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed
Sidoo kale, wuxuu timaamay in 1,058 boos oo dhul ah uu maamulka u iibiyey dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta, kuwaas oo si lacag la’aan ah loogu wareejinayo qoysaska guryahoodu ku waayay hagaajinta xaafadaha isku-raranka ah (OBASIIBOOYINKA) ee caasimada.
Intaas kadib warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu taageeray tallaabada guddoomiyaha gobolka, iyadoo culimadu sheegeen in arrintan ay u arkaan mid looga jawaabayo talooyinkii iyo dardaarankii ay ugu jeediyeen maamulka, gaar ahaan baaqii ahaa in loo turo dadka danyarta ah iyo qoysaska nugul ee duruufaha adag ku nool, lana dhowro karaamadooda iyo xuquuqdooda muwaadinimo.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.