Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
ERGO) – In ka badan 80 beeraley ah ayaa xaalado adag oo dhanka nolosha ah ku wajahaya deegaanka Xero-dhagaxley ee gobolka Mudug tan iyo bishii April. Ayax ka cunay dalagyo ay goosasho ku dawaa iyo waraab yari isku raacay ayaa meesha ka saaray tacabkoodii. Waxay dabooli la’yihiin baahiyahooda aas-aasiga ah, iyadoo daymo loo haysto. Ceelkii... The post Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
ERGO) – In ka badan 80 beeraley ah ayaa xaalado adag oo dhanka nolosha ah ku wajahaya deegaanka Xero-dhagaxley ee gobolka Mudug tan iyo bishii April.
Ayax ka cunay dalagyo ay goosasho ku dawaa iyo waraab yari isku raacay ayaa meesha ka saaray tacabkoodii. Waxay dabooli la’yihiin baahiyahooda aas-aasiga ah, iyadoo daymo loo haysto. Ceelkii ay ka cabi jireen ayaa cilladoobay 4 bil ka hor, mana helin dayac-tir. Waxay iibsan la’yihiin biyo qaali ah oo laga keeno mid gaar ah oo tuulada u jira qiyaasti 10 km.
Cabdimaciin Axmed Maxamuud ayaa sheegay in Ayaxu ka baabi’iyay yaanyo, basal, karooto, barbarooni, liin, saytuun iyo noocyo kale oo khudaar ah. Wuxuu xusay in ay ka gashay $1,300 oo inta badan uu amaahday. “Tacab iska daaye geedihii ayaa qallalay. Ayaxa waa mid geedi ah oo ilmo meesha uga tagay iyo mid dhirta isaga jira oo waxkasta ku dagaya. Baaga-muudo ayaan u noqnonay.”
Deegaanka Xero-dhagaxley oo dhaca bariga fog ee gobolka Mudug dadka ku nool waxay ku tiirsan yihiin wax soo saarka. Caqabadahaan isku biirsaday ayaa saamayn weyn ku yeeshay noloshooda. Xaaladan ka hor waxay dalagyadooda u iib gayn jireen magaalooyinka Hobyo, Wisil iyo meelo kale. Cabdimaciin ayaa sheegay in dalagyadii ay dhamaadkii Fabraayo galiyeen beerahooda aysan waxba uga badbaadin.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Wardheer News
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.