Daawo: Jahwareer ka dhashay Dastuurkii 2012 iyo kan cusub oo ka taagan BF
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Gobsan Muxumed ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dhex abuurtay dood xooggan oo ku saabsan dastuurka dalka, xilli uu muuqdo is-qabqabsi wayn oo ka taagan arrimaha dastuurka, kuwaas oo hareeyay golaha dhexdiisa.
Gobsan ayaa soo bandhigtay su’aal ay sheegtay inay muhiim u tahay shaqada Baarlamaanka, taas oo ku saabsan in dalka uu weli ku shaqeynayo Dastuurkii KMG ahaa ee 2012 ama inuu si buuxda ugu gudbay dastuurka cusub ee dhawaan ay ansixiyeen labda Aqal.
“Xildhibaanka mucaarad ama muxaafad ha ahaado, waxaa noo dhexeeya waa sharci. Haddii sharciyaddii muran ku jirto, ihaano ayay ku tahay Baarlamaanka, guddoomiye waxaa la rabaa dastuurka lagu murmayo muddo bil ah in aad caddeyso, ma Dastuurkii 2012 mise waxaa ku jirnaa Dastuurkii 2026 ee la ansixiyay?” ayay tiri Xildhibaan Gobsan.
Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in khilaafka ka taagan ku dhaqanka dastuurka uu si toos ah u saameynayo sharciyada la horgeynayo Baarlamaanka, iyadoo xustay inay muhiim tahay in la caddeeyo dastuurka dalka oo saldhig u ah nidaamka sharci ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladda.
Xildhibaanadda ayaa sidoo kale su’aal gelisay mowqifka xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan dastuurka cusub, maadaama ay si buuxda ula socotay geeddi-socodkii lagu ansixiyay wax ka beddelka Dastuurkii 2012.
Waxaa kale oo ay Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisa ka dalbatay inay si cad u kala saaraan Dastuurkii 2012 iyo dastuurka cusub, iyadoo sheegtay in sharciyada Baarlamaanka la horkeeno ay weli ku xiran yihiin qodobo ka tirsan Dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa.
“Xukuumadda oo markii Dastuurka la ansixinayay aan ogeyn, waxa aad ka qabateen Ra’iisul Wasaare, adiga iyo Golahaaga Wasiirrada, ma is ogtihiin mise in la isku kiin sheegaa rabtaan?. Laba soo kala saara Dastuurkii la ansixiyay iyo system-kan maanta jooga ee is khilaafaya. Sharci kasta oo la keenaa wuxuu ku lifaaqan yahay Dastuurkii 2012-kii,” ayay mar kale tiri Xildhibaannaddu.
Ugu dambeyn, waxay ku baaqday in arrinta Dastuurka si rasmi ah loo caddeeyo, si meesha looga saaro jahwareerka ka dhex jira Baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya, loona helo hannaan sharci oo ay ku wada shaqeeyaandhammaan dhinacyada dowladda.
Si kastaba, Doodda Xildhibaan Gobsan ayaa kusoo aadeysa xilli haatan Baarlamaanka uu wajahayo dooddo la xiriira saldhigga dastuuriga ah ee sharciyada iyo nidaamka dowladeed, iyadoo ay weli ay taagan yihiin su’aalo ku saabsan sida la’isku waafajinayo dastuurka cusub iyo habraacyadii hore ee dalka.
Follow Warkasta on WhatsApp
Follow our channel for the latest news.
Follow the channel →Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · taagan · 2012 · dastuurkii
Keep reading
- Khayre issues serious warning regarding the crisis in Mogadishu
Caasimada Online
- The Speaker of the House of the People Meets with the Committee on Human Rights, Women, and Humanitarian Affairs
Goobjoog Somali
- The Chairman of the Constitutional Committee Calls for Accelerating the Reform of the Judiciary in Mogadishu
Goobjoog Somali