Daawo: Khayre oo digniin culus u diray Macallin Mahdi
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kahyre oo maanta ka hadlay shir jaraa’id oo ay mucaaradka ku qabteen Muqdisho ayaa digniin culus u diray taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo maalmahan howlgal ka waday caasimada. Khayre ayaa sheegay in Macallin Mahdi uu ka shaqeeyay in lasoo […] The post Daawo: K

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kahyre oo maanta ka hadlay shir jaraa’id oo ay mucaaradka ku qabteen Muqdisho ayaa digniin culus u diray taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo maalmahan howlgal ka waday caasimada.
Khayre ayaa sheegay in Macallin Mahdi uu ka shaqeeyay in lasoo xir-xiro dhalinyaro cabiray fikirkooda, isla markaana uu u shaqeynayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu tilmaamay inuu dhamaaday muddo xileedkiisa.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in ay diyaarinayaan liiska saraakiisha ku howlan ku xadgudubka shacabka, ayna u gudbin doonaan caalamka.
“Booliska gobolka Banaadir oo uu hoggaamiy Macallin Mahdi ee dhalinarada soo xir-xiraayo waxaan leeyahay ka jooga, Golaha Mustaqbalka Soomaliyeed waxay go’aansadeen shaqana ka wadaan inaan sameyno liis dhammaystiran oo dadka Soomaaliyeed iyo dunidaba lala wadaagi doono saraakiisha dhalinyarada Soomaaliyeed beegsata,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.