Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Wargeyska Dawangeneral

Dalka Nigeria: Baaskiilka oo Qayb Ka Noqday Guurka

Baaskiiladaha ayaa laga yaabaa inay ku sii libdhaan meelo badan oo ka mid ah Nayjeeriya, laakiin kuma sii libdhaan Askira Uba, oo ku taal gobolka waqooyi-bari ee Borno. Halkan, kuwa guursanaya waxaa laga filayaa inay baaskiil siiyaan kuwa guursanaya si ay qayb uga noqdaan xafladaha guurka dhaqameed – taas oo ah calaamad muujinaysa ballanqaad iyo […]

SO
Dalka Nigeria: Baaskiilka oo Qayb Ka Noqday Guurka
Sawir / xog muuqaal ah · Wargeyska Dawan

Dadka guursanaya ee ku sugan Askira Uba, gobolka Borno, Nigeria ayaa baaskiil u isticmaala inay muujinayaan ballanqaadkooda guurka.

Maxaa la shaaciyey

  1. Baaskiilku wuxuu ka mid yahay dhaqanka guurka ee gobolka Borno, iyadoo ninku uu baaskiil u keeno gabadha si ay u muujiso diyaar garowga guurka.
  2. Qiimaha baaskiilka ayaa gaaraya 150,000 niara, oo u dhiganta 80 ilaa 90 Dollar, taasoo ka sarreysa qiimaha gobollada kale.
  3. Gabdhaha guur doonka ah ayaa muujinaya in baaskiilku uu muhiim u yahay in ninku uu la shaqeeyo xaaskiisa.

Macnaha guud

Dhaqanka guurka ee Askira Uba ayaa ka duwan meelo kale oo Nigeria ah, halkaas oo baaskiilku uu door muhiim ah ka ciyaaro.

“Ma guursanayo ninka ilaa uu Baaskiil ii iibiyo.”

Askira Uba, gobolka Borno, Nigeria

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay ka baran karaan sida dhaqamada guurka ay u kala duwan yihiin dalalka Afrika, gaar ahaan sida baaskiilku u yahay calaamad muujinaysa ballanqaad.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Wargeyska Dawan

Baaskiiladaha ayaa laga yaabaa inay ku sii libdhaan meelo badan oo ka mid ah Nayjeeriya, laakiin kuma sii libdhaan Askira Uba, oo ku taal gobolka waqooyi-bari ee Borno. Halkan, kuwa guursanaya waxaa laga filayaa inay baaskiil siiyaan kuwa guursanaya si ay qayb uga noqdaan xafladaha guurka dhaqameed – taas oo ah calaamad muujinaysa ballanqaad iyo diyaar garow.

Nigeria Baaskiilku kuma jiro gaadiidka la yaqaan, waxa inta badan loo adeegsadaa Baashaal ama Jicsi iyo in dhallinyaradu ku tagaan dugsiga. Laakiin Mishara ama guud ahaan gobolka Borno, Baaskiilku waxa uu ka yahay ballanqaadka guurka. Marka gabadha la guursado waxyaabaha uu bixinayo ninka guursaday ayuu ku soo daraa waalidka gabadha dhalayna way ku farxaan. Inta badana gobolka Borno waa beeraley dadkuna way lugeeyaan ama waxay adeegsadaan Baaskiil, sidaa awgeed Baaskiilku waxa uu dumarka ka caawinayaa shaqada, sida tegista beerta, biyaha la soo dhaaminayo, xaabada la soo gurayo iyo adeega suuqa.

Hooyada inanteeda ninka guursanayaa uu u keeno Baaskiil way faraxdaa waxay dareentaa in ninkaasi guurka u diyaar yahay isla markaana uu xaaskiisa shaqada la qaybsanayo.

Blessing Samuel oo ah gabadh guur doon ah waxay tidhi “Ma guursanayo ninka ilaa uu Baaskiil ii iibiyo”. “Hadii uu ninku baxo shaqadiisa, aniga shaqada guriga waxa iga caawinaya Baaskiilka”. Nchat Kasai ayaa iyaduna tidhi “Baaskiil shaqada Haweenka ee maalintii lagama maarmaan ayuu u yahay”. Gobolka Borno Baaskiilka Iibkiisu aad ayuu sareeyaa, qiimihiisuna wuu ka sareeyaa marka loo eego gobollada kale. wuxuu gaadhaa 150,000 niara,oo lacagta Nigeria ah una dhiganta 80 ilaa 90 Dollar. Baaskiil waxa la soo bandhigaa habeenka aqal galka, mararka qaarna waxa la soo raaciyaa lacagta yaradka.

Isha: Wargeyska Dawan. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Wargeyska Dawan
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralguurkaqaybbaaskiilka
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.