Dawladda Soomaaliya oo Muqdisho lagu daah-furtay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada ee CHF 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026).
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) , ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026) .
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, isku-duwidda dadaallada gurmadka iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga ka hortagga khataraha dabiiciga ah ee laga cabsi qabo inay saameeyaan bulshada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in shirka uu ku soo beegmay xilli loo baahan yahay diyaar-garow hore iyo qorshe mideysan , iyadoo la saadaalinayo roobab xooggan iyo fatahaado la xiriira xaaladda cimilada ee El Niño .
Mudane Cali Xoosh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada, hay’adaha samafalka iyo bah-wadaagta caalamiga ah ay si wadajir ah uga shaqeeyaan yareynta saameynta musiibooyinka iyo ka jawaabista baahiyaha bulshada.
Shirka CHF 2026 ayaa sidoo kale fursad u ah dhinacyada ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada inay iska xog-warramaan, qiimeeyaan khataraha soo socda, isla markaana yeeshaan qorsheyaal lagu xoojinayo gurmadka iyo u-diyaargarowga xaaladaha degdegga ah.
Diyaar-garowga fatahaadaha iyo roobabka culus ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya, maadaama dhacdooyinka cimiladu ay horey u saameeyeen deegaanno badan, isla markaana ay kordhin karaan barakaca iyo baahiyaha bani’aadannimo ee bulshada.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · daah · arrimaha · chf
Keep reading
Live story thread
Open live story