DF oo beenisay inay u yeertay safiir Jabriil, kana hadashay shirkii muranka dhaliyey
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa beeniyey warar lagu baahiyey warbaahinta oo sheegayay in dowladda federaalka ay u yeertay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, kadib markii uu ka qeyb-galay shir ganacsi oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo sidoo kale uu marti ku ahaa safiirka […] The post DF oo

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa beeniyey warar lagu baahiyey warbaahinta oo sheegayay in dowladda federaalka ay u yeertay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, kadib markii uu ka qeyb-galay shir ganacsi oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo sidoo kale uu marti ku ahaa safiirka Israel ee Kenya.
Wasiir Dhaay oo khadka taleefanka kula hadlay warbaahinta Dawan, isagoo ku sugan magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka warqabtay ka qeyb-galka Danjire Jibriil ee shirkaas, isla markaana aysan jirin wax khalad ah oo dhacay.
“Danjiruhu wuxuu ka qeyb-galay Avocado Africa 2026 Expo ee Nairobi isagoo gudanaya waajibaadkiisa rasmiga ah ee safiirka Soomaaliya ee Kenya. Wuxuu ahaa shir ku saabsan beeraha iyo ganacsiga, ma ahayn kulan siyaasadeed, mana jirin wax khalad ah oo uu galay safiirkeenna. Wararka sheegaya in loo yeerayna waa kuwo aan sax ahayn,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Dhaay.
Muranka ayaa ka dhashay qoraal ay Safaaradda Israel ee Kenya ku baahisay baraha bulshada, kaas oo lagu sheegay in safiirka Israel ee Kenya, Gideon Behar, uu si rasmi ah u furay daabacaaddii lixaad ee shirka Avocado Africa 2026. Safaaraddu waxay sheegtay in munaasabaddaas ay qeyb ka tahay iskaashiga Kenya iyo Israel ee horumarinta silsiladda qiimaha avocado-da.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.