DF oo jawaab ka bixisay weerarkii Xuutiyiinta ku qaadeen Sacuudiga
Makkah (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay weerar culus oo Talaadadii kooxda Xuutiyiinta ay ku qaadeen magaalada barakeysan Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudiga.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Makkah (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay weerar culus oo Talaadadii kooxda Xuutiyiinta ay ku qaadeen magaalada barakeysan Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudiga.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyay weerarkan oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kaas oo ay ka hortageen ciidamada difaaca dalka Saciidiga
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa isku dayga weerarkii diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah, kaas oo ay Ciidamada Difaaca Cirka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku qabteen kuna burburiyeen ka hor inta uusan gaarin magaalada Makkah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarradii dhowaan lagu qaaday goobaha rayidka ah ee ku yaalla Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo muujisay garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Sacuudiga.
“Dowladda Soomaaliyeed waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya, oo uu hoggaamiyo Khadiimka Labada Masjid ee Barakeysan, waxayna sidoo kale xaqiijineysaa xaqa ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya u leedahay inay difaacdo dhulkeeda, dadkeeda iyo goobaha barakeysan ee Islaamkam,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Si kastaba, Riyadh ayaa dhankeeda dhacdadan ku tilmaantay mid ka gudubtay “khad cas”, maadaama ay khatar gelin karto goobaha barakeysan ee Muslimiinta. Xuutiyiinta ayaa beeniyay inay Makka bartilmaameedsadeen, iyagoo ku eedeeyay Sacuudiga inuu arrintaas u adeegsanayo dacaayad dagaal
Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu sii xoogeysanayo d agaalka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta, waxaana haatan diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ay duqeymo culus ka wadaan gudaha Yemen, halka Xuutiyiintuna ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Sacuudiga.
Xiisadda cusub ayaa sidoo kale timid kadib markii Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ay toddobaadkii lasoo dhaafay horumar degdeg ah ka sameeyeen xeebaha Badda Cas ee dalka Yemen, iyagoo la wareegay magaalooyin iyo jasiirado muhiim ah oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab.
The post DF oo jawaab ka bixisay weerarkii Xuutiyiinta ku qaadeen Sacuudiga appeared first on Caasimada Online .
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · sacuudiga · qaadeen · xuutiyiinta
Keep reading
Live story thread
Open live story