Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Dowladda Masar oo ka falcelisay tallaabo uu qaaday Mareykanka.
Sabti, 29, August 2026 {HMC} Baanka dalka Masar, oo ka mid ah bangiyada ugu waaweyn dalkaas, ayaa sheegay inuu tallaabo ka qaadi doono go’aanka Waaxda Maaliyadda Mareykanka ee lagu xannibay laamaha bangiga ee ku yaalla Imaaraadka Carabta inay galaan nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka. Bangigu wuxuu war-saxaafadeed ku sheegay in laantiisa Imaaraadka ay weli macaamiisha u sii […] The post Dowl

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Sabti, 29, August 2026 {HMC} Baanka dalka Masar, oo ka mid ah bangiyada ugu waaweyn dalkaas, ayaa sheegay inuu tallaabo ka qaadi doono go’aanka Waaxda Maaliyadda Mareykanka ee lagu xannibay laamaha bangiga ee ku yaalla Imaaraadka Carabta inay galaan nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka.
Bangigu wuxuu war-saxaafadeed ku sheegay in laantiisa Imaaraadka ay weli macaamiisha u sii adeegayso, iyadoo adeegyada bangiga loo fulinayo si waafaqsan sharciyada iyo habraacyada khuseeya.
Tallaabada Mareykanka ee ka dhanka ah Bangiga Masar ayaa ka mid ahayd tallaabooyinkii ugu horreeyay ee Washington si cad u qaaday, iyadoo ujeeddadu tahay in la go’doomiyo dhaqaalaha Iran. Tallaabada ayaa loo qorsheeyay inay dhaqan gasho 30 maalmood gudahood.
Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay inay laamaha Bangiga Masar ee ku yaalla Imaaraadka ka jari doonto nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka, iyadoo sabab uga dhigtay macaamilado maaliyadeed oo ay la sameeyeen Iran iyo taageerada ay siiyeen dowladda Iran.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.