Dowladda oo Ka Digaysa Roobab Waaweyn oo Muqdisho ku Soo Wajahan
Muqdisho, 16 Sebteembar 2026 — Roob mahiigaan ah ayaa xalay ka da’ay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo sababay in waddooyin iyo goobo kala duwan ay…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho, 16 Sebteembar 2026 — Roob mahiigaan ah ayaa xalay ka da’ay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo sababay in waddooyin iyo goobo kala duwan ay biyo fariistaan, iyadoo magaalada ay wajahday xaalad la xiriirta fatahaadaha iyo biyo-mareennada oo aan si wanaagsan u qaadin biyaha roobka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in roobabka waaweyn ee la xiriira saameynta El Niño, ee hore looga digay, aysan weli si buuxda u bilaaban, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo haddii roobab ka culus kuwa xalay da’ay ay magaalada ku soo wajan yuhiin.
Roobka xalay ka da’ay Muqdisho ayaa mar kale muujiyay nuglaanta magaalada, gaar ahaan meelaha ay biyo-mareennadu xiran yihiin ama aan lahayn nidaam ku filan oo biyaha roobka looga saaro.
Xaaladda ayaa kusoo beegmaysa iyadoo digniino hore laga bixiyay khatarta roobab xooggan iyo daadad ka dhalan kara, waxaana muuqata baahida loo qabo diyaargarow, nadiifinta biyo-mareennada iyo qorshe degdeg ah oo wax looga qabto meelaha ugu nugul daadadka.
Roobabkan ayaa sidoo kale dhaliyay cabashooyin ku saabsan xaaladda waddooyinka iyo adeegyada biyo-mareennada magaalada, iyadoo shacabka qaarkood ay ku qasbanaadeen inay la tacaalaan biyaha fariistay waddooyinka iyo xaafadaha.
Haddii roobabka culus ee la saadaaliyay ay sii socdaan, xaaladda Muqdisho waxay u baahan kartaa tallaabooyin degdeg ah oo ka hortag iyo gurmad ah, si loo yareeyo saameynta ay daadadku ku yeelan karaan dadka, guryaha iyo waddooyinka magaalada.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · muqdisho · roobab · soo