Dowladda UK oo malaayiin dollar ugu deeqday Soomaalia
The original report is shown while a translation is prepared.

More from this report
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday £5 milyan oo gargaar bani’aadannimo oo cusub, oo loogu talagalay in Soomaaliya looga diyaargaroobo fatahaado la filayo inay la xiriiraan El Niño inta lagu jiro xilli-roobaadka Deyrta ee bilaha October ilaa December.
Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa sheegtay in lacagta lagu xoojin doono nidaamyada digniinta hore, laguna taageeri doono qoysaska ku nool goobaha halista ugu jira fatahaadaha si ay ugu guuraan meelo ammaan ah, iyadoo sidoo kale la ilaalinayo adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka.
Qorshahan ayaa la filayaa inuu gaaro ilaa 600,000 oo qof oo ku nool deegaannada ay fatahaaduhu halista ku yihiin.
Taageerada ayaa sidoo kale lagu ilaalin doonaa ilaa 71 xarumood oo caafimaad si ay shaqadooda u sii wataan xilliyada fatahaadaha, waxaana la ballaarin doonaa adeegyada caafimaadka guur-guura si loo gaaro dadka ay biyuhu go’doomiyaan ama guryahooda ka barakiciyaan.
Qeyb ka mid ah taageerada ayaa gaari doonta dadka ku nool ku dhawaad 100 xero oo barakacayaal gudaha ah, halka barnaamijku sidoo kale diiradda saari doono ilaalinta nolol-maalmeedka bulshada ku nool meelaha fatahaadaha u nugul.
Jowhar iyo Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka sida gaarka ah loogu tilmaamay goobaha halista weyn wajahaya.
Chris Pycroft, oo ah Agaasimaha Horumarinta ee Safaaradda Britain ee Muqdisho, ayaa sheegay in tallaabooyin hore loo qaado ay yareyn karaan khasaaraha ka dhasha fatahaadaha.
“Fatahaaduhu khasab ma aha inay isu beddelaan masiibo bani’aadannimo. Haddii tallaabo hore la qaado, qoysasku waxay u guuri karaan meelo ammaan ah, adeegyada muhiimka ah way sii shaqeyn karaan, nolol-maalmeedkana waa la ilaalin karaa,” ayuu yiri.
“Markaan hadda maalgelinno, waxaan badbaadin karnaa nafaf, waxaana bulshada Soomaaliyeed ka caawin karnaa inay u adkeysato dhibaatooyinka cimilada ee mustaqbalka,” ayuu intaas ku daray.
Dowladda Britain ayaa sheegtay in Soomaaliya ay isu diyaarineyso xaalado cimilo oo la xiriira El Niño, xilli abaaraha soo noqnoqda, colaadaha iyo barakacu ay horey cadaadis ugu hayeen malaayiin qof.
Sida lagu sheegay bayaanka, qiyaastii 2.5 milyan ilaa 3.5 milyan oo qof ayaa saameyn kala duwan kala kulmi kara fatahaadaha la filayo, taas oo sare u qaadaysa baahida loo qabo diyaargarow iyo wax ka qabasho ka hor inta aysan xaaladdu kasii darin.
Ku dhawaaqista lacagta cusub ayaa Arbacadii 23-ka September lagu sameeyay Madasha Bani’aadannimada Dalka ee Muqdisho, oo ay isugu yimaadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha bani’aadannimada iyo saaxiibada caalamiga ah.
Lacagta £5 milyan ah ayaa loo qeybin doonaa laba barnaamij oo Britain horey uga taageereysay Soomaaliya.
Barnaamijka Caafimaad Plus ayaa heli doona £2.5 milyan, waxaana fulintiisa hoggaaminaya hay’adda Action Against Hunger. Lacagtaas ayaa lagu taageeri doonaa adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha, fayadhowrka iyo ilaalinta dadka nugul.
£2.5 milyan oo kale ayaa loo qoondeeyay barnaamijka RESTORE, oo ay wada fulinayaan Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM iyo World Vision.
Barnaamijkan ayaa xoogga saari doona digniinta hore, daad-gureynta ku-meel-gaarka ah ee dadka ku jira meelaha halista ah, tallaabooyinka looga hortagayo fatahaadaha iyo kaalmo lacageed oo la gaarsiiyo qoysaska nugul.
Dowladda Britain ayaa sheegtay in taageeradan cusub ay qeyb ka tahay £15 milyan oo ay u qoondeysay waddamada sida weyn ugu nugul saameynta El Niño.
Soomaaliya ayaa sanadihii dambe dhowr jeer la kulantay fatahaado baaxad leh oo sababay dhimasho, barakac iyo burbur hantiyeed.
Fatahaadihii la xiriiray El Niño ee 2023 ayaa saameeyay qiyaastii 2.48 milyan oo qof, halka 1.2 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha dalka, sida lagu sheegay xogta ay soo bandhigtay Dowladda Britain.
Dowladda UK ayaa sheegtay in taageerada hadda la shaaciyay ay qeyb ka tahay dadaallo ballaaran oo ay Soomaaliya kaga taageereyso gargaarka degdegga ah iyo dhismaha awoodda bulshada si ay mustaqbalka ugu adkeysato abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee la xiriira isbeddelka cimilada.
Context and open questions
Reader briefing
Article context
What happened
- The UK government has announced £5 million in new humanitarian aid for Somalia to prepare for expected flooding related to El Niño during the Deyr rainy season from October to December.
Key claims
- The UK government has announced £5 million in new humanitarian aid for Somalia to prepare for expected flooding related to El Niño during the Deyr rainy season from October to December.
- The aid is expected to reach up to 600,000 people living in areas at risk of flooding.
- Approximately 2.5 million to 3.5 million people may be affected by the expected flooding, increasing the need for preparedness and response.
- The funding will be divided between two programs previously supported by the UK in Somalia.
Source limitations
- The article does not include responses from other parties regarding the aid announcement.
- Claims about the number of people affected by flooding are not independently verified.
- The article relies on statements from the UK government without external confirmation.
Reader takeaway
The UK is providing significant humanitarian aid to Somalia in anticipation of potential flooding due to climate-related factors.
What remains unclear
- What specific measures will be taken to ensure the aid reaches the intended recipients?
- How will the effectiveness of the aid be evaluated?
- What are the long-term plans for addressing the impacts of El Niño in Somalia?
Why it matters
The article does not provide enough independently verified detail to assess the specific significance of this event beyond what is reported.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · economy · economy · dowladda · soomaalia
Keep reading
Live story thread
Open live story