Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xalay hoygiisa ku sameeyay casho-sharaf uu ku maamuusayay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda aan walaalaha iyo saaxiibka nahay ee Jabuuti u fadhinaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Cusmaan Dubbad Sugulle. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Danjiraha cusub mar kale ugu hamb

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xalay hoygiisa ku sameeyay casho-sharaf uu ku maamuusayay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda aan walaalaha iyo saaxiibka nahay ee Jabuuti u fadhinaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Cusmaan Dubbad Sugulle.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Danjiraha cusub mar kale ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isagoo xusay in magacaabistiisu ay ku soo beegantay xilli Soomaaliya iyo Jabuuti ay sii ballaarinayaan iskaashigooda dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta xiriirka hay’adaha dowladda.
Muungaab ayaa tilmaamay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay door taariikhi ah ku leedahay garab istaagga Soomaaliya, isagoo bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti ka qaateen dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya.
Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle, oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidamada Hiilwalaal ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho martiqaadka iyo soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, isaga oo sheegay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, si loo sii ambaqaado danaha iyo himilooyinka ay wadaagaan labada dal.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.