Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen dhallinyarada hormuudka u ah ololaha nadaafadda xeebaha Muqdisho, taas oo lagu dhiirrigelinayay kaalinta wax-ku-oolka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin ilaalinta deegaanka, kor u qaadidda bilicda caasimadda iyo kobcinta dhaqanka iskaa wa

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen dhallinyarada hormuudka u ah ololaha nadaafadda xeebaha Muqdisho, taas oo lagu dhiirrigelinayay kaalinta wax-ku-oolka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin ilaalinta deegaanka, kor u qaadidda bilicda caasimadda iyo kobcinta dhaqanka iskaa wax u qabso.
Guddoomiyaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa ololaha dhallinyarada ku tilmaamay mid xambaarsan mas’uuliyad qaran, kana tarjumaya wacyiga bulshada iyo dareenka lahaanshaha caasimadda. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii laba jibbaari doono taageerada uu siiyo barnaamijyada ay hormuudka ka yihiin dhallinyarada, kuwaas oo laf-dhabar u ah hirgelinta himilada lagu dhisayo caasimad nadiif ah, bilicsan, deegaan ahaan bedqabta, isla markaana dib u soo ceshata maqaamkii ay ku lahayd dunida.
Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameerika), agaasimayaal heer gobol, guddoomiyeyaal degmooyin iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyay doorka muuqda ee ay dhallinyaradu ka qaadanayaan ilaalinta nadaafadda xeebaha iyo bilicda caasimadda.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.