Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka Xaaji-Cabdi ee degmada Gubadley, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu u qorsheeyay dib-u-dejinta shacabka ay saameeyeen qorshayaasha casriyeynta Caasimadda. Deegaanka oo dhawaan laga hirgeliyay Dugsi Hoose iyo Dhexe oo lacag la’aan ah, ayaa sidoo kale leh adeegyada aas

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka Xaaji-Cabdi ee degmada Gubadley, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu u qorsheeyay dib-u-dejinta shacabka ay saameeyeen qorshayaasha casriyeynta Caasimadda.
Deegaanka oo dhawaan laga hirgeliyay Dugsi Hoose iyo Dhexe oo lacag la’aan ah, ayaa sidoo kale leh adeegyada aasaasiga ah ee nolosha, sida biyaha iyo korontada. Sidoo kale, waxaa loo qorsheeyay in laga hirgeliyo suuq, masaajid iyo rug caafimaad.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo jihaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo faraya in casriyeynta Caasimaddu ay barbar socoto ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta.
Waxa uu xusay in 1,058 (kun iyo konton iyo siddeed) boos oo dhul ah uu Maamulka Gobolka Banaadir u iibiyay dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta, kuwaas oo si lacag la’aan ah loogu wareejinayo qoysaska guryahoodu ku soo aadeen jidadka laga bixinayo xaafadaha isku-raranka ah (Obasiibooyinka).
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.