Eritrea oo jawaab ka bixisay tallaabada uu qaaday Mareykanka
Asmara (Caasimada Online) — Dowladda Eritrea ayaa soo dhoweysay go’aanka Mareykanka uu cunaqabateynta kaga qaaday ciidamadeeda, xisbiga talada haya iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay waddada u xaari karto xiriir cusub oo u dhexeeya Asmara iyo Washington…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Asmara (Caasimada Online) — Dowladda Eritrea ayaa soo dhoweysay go’aanka Mareykanka uu cunaqabateynta kaga qaaday ciidamadeeda, xisbiga talada haya iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay waddada u xaari karto xiriir cusub oo u dhexeeya Asmara iyo Washington kadib sanado ay xiisad ka dhex jirtay.
Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa Sabtidii sheegtay in cunaqabateyntii lagu soo rogay dalkaas xilligii dagaalka Tigray ay u geysatay “khasaare aan la qiyaasi karin”, iyadoo ku adkeysatay in tallaabooyinkaasi aanay markii horeba lahayn sabab sax ah.
“Go’aanka wanaagsan ee hadda lagu qaaday cunaqabateynta waxaa la filayaa inuu noqdo tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka wax-ku-oolka ah iyo iskaashiga Eritrea iyo Mareykanka,” ayay wasaaraddu sheegtay.
Hadalka Eritrea ayaa yimid maalin kadib markii Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay liiska cunaqabateynta ka saartay Ciidamada Difaaca Eritrea, xisbiga talada haya ee People’s Front for Democracy and Justice (PFDJ), iyo dhowr hay’adood iyo mas’uuliyiin kale.
Mareykanka ayaa sheegay in xaaladdii degdegga ahayd ee saldhigga sharci u ahayd cunaqabateynta la xiriirtay Itoobiya ay dhammaatay, taasina ay keentay in magacyada lagu daray barnaamijkaas laga saaro liiska.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Madaxweyne Donald Trump uu go’aansaday inuusan cusbooneysiin tallaabooyinkaasi, si Washington ay ula jaanqaaddo xaaladda cusub ee gobolka una hormariso danaha Mareykanka.
Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa wakaaladda AFP u sheegay in inkastoo fulinta heshiiskii soo afjaray dagaalka Tigray ay ahayd mid “aan sinnayn”, haddana Washington ay rumeysan tahay in la joogo “waqtigii siyaasadda arrimaha dibadda lagu waafajin lahaa xaqiiqooyinka hadda jira”.
Xiriir dib u soo kabanaya
Eritrea ayaa go’aanka cusub u aragta qayb ka mid ah isbeddel ballaaran oo ku yimid xiriirka labada dal.
Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa soo xigatay farriin uu Madaxweyne Trump bishii May u diray dalkaas xilli loo dabaaldegayay 35 guurada xorriyaddiisa, taas oo uu ku sheegay in la dhaafo “waayihii hore”, lana bilaabo bog cusub oo ku dhisan iskaashi.
Xiriirka Washington iyo Asmara ayaa muddo dheer ahaa mid xasaasi ah, waxaana labada dhinac ay isku khilaafeen arrimo ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha, siyaasadda gobolka iyo cunaqabateynno isdaba joog ah.
Maamulkii Madaxweyne Joe Biden ayaa bishii November 2021 cunaqabateyn ku soo rogay Eritrea xilligii uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Ciidamada Eritrea ayaa dagaalkaas garab siinayay ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee la dagaallamayey xoogagga Tigray.
Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa xilligaas sheegtay in dhinacyada Eritrea ay qayb ka ahaayeen sii socoshada colaadda, iyadoo soo xigatay warbixino la xiriiray dilal, dhac, tacaddiyo galmo iyo carqaladeyn lagu sameeyay gargaarka bani’aadannimo.
Eritrea ayaa marar badan beenisay eedeymaha la xiriira in ciidamadeedu geysteen xadgudubyo baahsan, waxayna cunaqabateynta Mareykanka ku tilmaantay mid aan xaq ahayn.
Si kastaba, go’aanka cusub ee Mareykanka ma tirtirayo qiimeyntii iyo eedeymihii hore ee Washington ee la xiriiray dagaalka Tigray. Waxaa keliya meesha ka baxay awooddii sharci ee cunaqabateyntan gaarka ah lagu soo rogay.
Taliyaha ciidamada Eritrea, General Filipos Woldeyohannes, ayaa weli waxaa saaran cunaqabateyn gaar ah oo Mareykanka uu sanadkii 2021 ku soo rogay barnaamijka Global Magnitsky, isagoo ku eedeeyay xadgudubyo culus oo ka dhacay Tigray.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · qaaday · mareykanka · eritrea
Keep reading
Live story thread
Open live story