Fadliga tobanka bisha Dulxijah iyo camallada lagu camirayo
Alxamdulilaah, Ilaahay ayey mahadi u sugnaatay ina soo gaadhsiiyey maalmihii khayrka badnaa ee ku jiray bisha Dilxijah, waana xilligii ay xujaajta baytka Ilaahay gudanayeen waajibaadkii Xajka iyo Cumrada. Maalmahan hore ee Dulxijah waxay leeyihiin fadli aad u wayn oo ay dheer yihiin bilaha kale iyo maalmaha kaleba, waxaanu fadligeedu ku soo arooray Kitaabka Quraanka ah […]
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu ka hadlayaa muhiimadda tobanka maalmood ee ugu horreeya bisha Islaamiga ah ee Dulxijah, isagoo iftiiminaya muhiimadda ruuxiga ah iyo camallada la soo jeediyay in la sameeyo xilligan.
Qodobada muhiimka ah
- Tobanka maalmood ee Dulxijah waxaa loo arkaa kuwo fadli weyn leh oo ka sarreeya bilaha iyo maalmaha kale.
- Maqaalku wuxuu xusayaa aayadaha Quraanka iyo xadiisyo muujinaya muhiimadda maalmahan ee cibaadada.
- Waxa kale oo lagu xusay in Maalinta Carafa iyo Ciidda Adxa ay ku jiraan xilligan, kuwaas oo ah dhacdooyin muhiim ah oo Muslimiinta ah.
- Nebiga Muhammad (scw) ayaa la sheegay inuu yidhi in maalmihii tobanka ah ay yihiin kuwa ugu jecel Ilaahay camallada wanaagsan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay qoraallada diinta iyo fasiraadaha iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax lagu xusay aragtiyo ama fasiraad kala duwan oo ka imaanaya culimada ama ilo kale.
- Maqaalku ma bixinayo xog ama tirooyin lagu taageerayo sheegashooyinkiisa.
Gunaanadka akhristaha
Akhristayaashu waa inay aqoonsadaan muhiimadda tobanka maalmood ee Dulxijah oo ay tixgeliyaan inay ku hawlan yihiin camallo cibaado ah xilligan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin camallada gaarka ah ee la soo jeediyay in la sameeyo xilligan?
- Sidee ayay bulshooyinka Islaamiga ah u dabaaldegayaan maalmahan?
- Ma jiraan doodaha ama muranada casriga ah ee ku saabsan muhiimadda maalmahan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa muhiimadda ruuxiga ah ee tobanka maalmood ee Dulxijah ee Muslimiinta, isagoo dhiirrigelinaya in la kordhiyo cibaadada xilligan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Alxamdulilaah, Ilaahay ayey mahadi u sugnaatay ina soo gaadhsiiyey maalmihii khayrka badnaa ee ku jiray bisha Dilxijah, waana xilligii ay xujaajta baytka Ilaahay gudanayeen waajibaadkii Xajka iyo Cumrada. Maalmahan hore ee Dulxijah waxay leeyihiin fadli aad u wayn oo ay dheer yihiin bilaha kale iyo maalmaha kaleba, waxaanu fadligeedu ku soo arooray Kitaabka Quraanka ah iyo sunnada nabigaba (scw):
Maalmahan ugu horayn Ilaahay ayaa ku dhaartay, sida ku sugan Suuratul Fajri bilowgeeda. “Ilaahay wuxuu ku dhaartay Waabariga (1) Iyo Habeenadan Tobanka ah (Carrafo).” (Aaydaha1-2). Habeenada culimada tafsiirku waxay ku tilmaameen tobanka bisha Dulxijah ugu horayeeya. Habeenadii ayuu Ilaahay sheegay maalmihiina way la socdaan. Sidaas oo kale Ibnu Cabbaas, ibnu Zubeyr, Mujaahid iyo kuwa kale ayaa tilmaamay in tobankani yihiin tobanka ugu horeeya bisha Dulxijah.
Nebigu(scw) waxa uu yidhi “Ayaamaha Ilaahay waxa ugu fadli badan maalmaha tobanka Dulxijah”. Maalmahan waxa ku jira Yoomul carafa ee Xajul Akabar, Nebiguna uu yidhi “Al Xajul carafa’. Waxa kale oo ku jira maalinka ciidda. Ibnu xajar, Alle ha u naxariistee waxa uu yidhi “Maalmahan waxa fadliga weyn u yeelay Cibaadooyinka ku kulmay oo ay ka mid yihiin: Towxiidkii sababta oo ah waa la Taxbiixsanayaa, takbiiranayaa iyo Tahliil. Salaadii baa la tukanayaa, Soomkii ayaa lala imanayaa, Xajkii baa la gudanayaa, Sadaqadii baa lala imanayaa, Gawracii iyo hadigii baa jira.
Camallada Maalmahan la qabanayo aad ayaa loo amaanay. Nebigu Xadiiska Bukhaari ku sugan ee uu warinayo Ibnu cabaas waxa uu ku tilmaamay in camalka saalixa ah ee bishan la qabto uu Ilaahay ugu jecel yahay camallada oo dhan. Nebigu waxa uu yidhi “Ma jiro camal la qabto oo ka fadli badan maalmahan tobanka ah” Asxaabtu waxay yidhaahdeen : Xitaa Jihaadka? yidhi: “Xitaa Jihaadka, ilaa qof dagaalka u baxay isaga la baxay naftiisa iyo xoolihiisaba oo aan soo kala noqon” [Bukhaari: 26]. Sidaas oo kale Xadiiska Imaamu Axmed ee uu warinayo Ibnu Cumar (R.C) Rasuulkii Ilaahay wuxuu yidhi: “Ma jiraan ayaamo Ilaahay agtiisa ay kaga wayn yihiin loogana jacayl badan yahay camalada la qabto maalmaha tobanka ah dhexdooda, ee badsada dhexdooda Tahliisha (Laa’ilaaha ilaa Allah) Takbiirta (Allahu akbar) iyo Taxmiida (Alxamdulilaah)” [Musnadka Imaamu Axmed: 5423 ].
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wargeyska Dawan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan