Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
FESOJ iyo Independent House oo qabtay Dood ku saabsan Hannaan Doorasho oo loo dhan Yahay.
Khamiis 20 Aug 2026 {HMC} FESOJ iyo Independent House ayaa xarunta Arkaan Leadership and Innovation ku qabtay dood dadweyne oo ku saabsan hannaan doorasho oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka socday bulshada rayidka ah. Doodda ayaa lagu falanqeeyay xaaladda doorashooyinka Soomaaliya, aragtiyaha kala […] The post FESOJ iyo Independent

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Khamiis 20 Aug 2026 {HMC} FESOJ iyo Independent House ayaa xarunta Arkaan Leadership and Innovation ku qabtay dood dadweyne oo ku saabsan hannaan doorasho oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka socday bulshada rayidka ah.
Doodda ayaa lagu falanqeeyay xaaladda doorashooyinka Soomaaliya, aragtiyaha kala duwan ee hannaanka doorashada, iyo dadaallada bulshada rayidka ah ee lagu dhiirrigelinayo geeddi-socod doorasho oo loo dhan yahay.
Xoghayaha Guud ee FESOJ, Faarax Cumar Nuur, oo furay kulanka, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay saxafiyiintu u leeyihiin geeddi-socodka doorashooyinka, isaga oo ku boorriyay inay bulshada gaarsiiyaan tebinta saxda ah, dheellitiran, oo xog-ogaalnimo ku dhisan. Wuxuu sidoo kale xusay in warbaahintu ay door muhiim ah ka qaadan karto dhiirrigelinta wadahadalka, ka qaybgalka bulshada iyo fahamka arrimaha doorashooyinka.
Ka qaybgalayaasha ayaa si qoto dheer uga dooday sidii loo heli lahaa doorasho loo dhan yahay, caqabadaha hortaagan, iyo kaalinta bulshada rayidka ah ee isu soo dhoweynta aragtiyaha kala duwan.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.