Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup
Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta kama dambaysta ah ee CECAFA Cup 2026, taasoo sii xoojinaysa sumcaddiisa isagoo ka mid noqday Garsoorayaasha ugu caansan Afrika. Golaha Xiriirka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA) ayaa xaqiijiyay in Cartan uu garsoori doono finalka tartanka oo 7-da bishan Agoosto ka dhici doona Garoonka Amahoro [

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta kama dambaysta ah ee CECAFA Cup 2026, taasoo sii xoojinaysa sumcaddiisa isagoo ka mid noqday Garsoorayaasha ugu caansan Afrika.
Golaha Xiriirka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA) ayaa xaqiijiyay in Cartan uu garsoori doono finalka tartanka oo 7-da bishan Agoosto ka dhici doona Garoonka Amahoro ee Kigali.
Magacaabistan ayaa guul weyn u ah kubadda cagta Soomaaliya. Inkastoo kooxda horyaalka Soomaaliya ee Mogadishu City laga reebay tartanka, haddana horumarka Cartan ayaa dhiirrigelin u noqday kubadda Cagta dalka.
Cartan ayaa hore u noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee loo xusho Koobka Adduunka ee FIFA, inkastoo uusan ka qaybgelin kaddib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka, waxaana uu sidoo kale noqday Garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhexdhexaadiya tartan FIFA ah, isagoo Garsooray ciyaaro ka tirsanaa Koobka Adduunka ee FIFA U-20 ee Chile.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.