Geeska Afrika wuxuu galay marxalad cusub: yaa u adkaysan kara isbeddelka.?
Gobolka Geeska Afrika wuxuu wajahaya marxalad ka duwan waqti kasta oo hore, taas oo lagu tijaabinayo cidda xukunka haysa, iyadoo loollan dibadeed oo dhinacyo badan leh ay dalal kala duwan ku raadinayaan saameyn iyo joogitaan ay ku yeeshaan gobolka.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Arbaco ,23 Sep 2026 {HMC} Gobolka Geeska Afrika wuxuu wajahaya marxalad ka duwan waqti kasta oo hore, taas oo lagu tijaabinayo cidda xukunka haysa, iyadoo loollan dibadeed oo dhinacyo badan leh ay dalal kala duwan ku raadinayaan saameyn iyo joogitaan ay ku yeeshaan gobolka.
Mareykanka wuxuu arkayaa in saameyntiisa gobolka ay hoos u dhacayso, taa beddelkeedana Shiinaha ayaa ballaariyay saameyntiisa.
Isbeddelkan waxaa ka gudbi kara cidda u adkaysata cadaadiska, kana fogaata in faragelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.
Waxaase jira khatar ah in isbeddelkan uu gobolka u horseedo xasillooni-darro iyo qalalaase ballaaran, xilli Suudaan ay ku jirto dagaal muddo dheer socday, Itoobiya ay ka soo cusboonaadeen dhaqdhaqaaqyo cusub, halka meel aan ka fogeyn Telaabiib lagu diyaarinayo qorshe lagu tijaabinayo hoggaamiyaha muddada dheer xukunka haya ee Isaias Afwerki.
Madaxa CIA-da Mareykanka, John Ratcliffe, ayaa toddobaadkii hore tagay Masar, isagoo halkaas gaarsiiyay farriin ku saabsan Geeska Afrika.
Isla maalintii booqashadiisa, Masar waxay saraakiil militari u soo dirtay Muqdisho, halka Al-Sisi uu John Ratcliffe u sheegay in Masar ay doonayso inay ballaariso saameynta ay ku leedahay Soomaaliya.
Joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale isbeddello laga dareemayaa, iyadoo Pakistan ay iyaduna raadinayso inay dhankeeda joogitaan ku yeelato Muqdisho.
Is ballaarinta Xuutiyiinta Yemen oo hadda saameyn ku yeeshay marin-biyoodka Bab al-Mandab oo xisaabta gobolka ku soo daraysa Iiraan, ayaa fool-dhaweyso u noqday isbeddel soo jiitamayay oo saameynayay gobolka Geeska.
Geeska Afrika wuxuu galay xilli ay dalal badan isku dayayaan inay saameyn ku yeeshaan gobolka. Fursad ayay noqon kartaa haddii dalalku ilaashadaan danahooda, laakiin waxay isu beddeli kartaa dhibaato haddii loollanka quwadaha dibadda uu galo khilaafaadka gudaha.
Waxa hadda la tijaabinayo waa awoodda hoggaamiyeyaasha gobolka ay ugu maarayn karaan tartankan iyagoo aan lumin go’aankooda iyo danahooda qaran.
W/Q Iman Jamac
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · wuxuu · geeska · marxalad