Golaha Mustaqbalka: Mucaaradka keliya ee na soo raaca waa Farmaajo
Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa sheegay in mucaaradka keliya ee iyaga soo raaca… Sii akhri
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa sheegay in mucaaradka keliya ee iyaga soo raaca ay u aqoonsan yihiin madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxay sheegeen in aysan mucaarad u aqoonsanayn xubno hore uga baxay Golaha Samatabixinta oo beesha caalamka la gala shirarka looga hadlo arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay gacan-saar la leeyihiin Villa Somalia.
Hadalkan waxaa xalay sheegay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad oo ka mid ah guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka, kaas oo si qoto dheer uga hadlay marxaladihii ay isla soo mareen Golaha uu ka tirsan yahay iyo Dowladda Federaalka.
Wuxuu ka dhaqaajiyay in uusan jirin wax heshiis ah iyo wadahal hadda u socda Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka, kaas oo la xiriira ismariwaaga arrimaha doorashooyinka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · mucaaradka · soo · golaha