Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo u aqoonsaday Laftagareen hogaamiye ka tirsan Al-shabaab.
Axad 30 Aug 2026 {HMC} Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay heleen caddeymo iyo xog ay ku tilmaameen kuwo muujinaya iskaashi ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen, xilli magaalada Baydhabo ay ka dhaceen weerarro iyo qaraxyo isdaba joog ah. Shir aan caadi ahayn oo […] The post Golaha Wasiir

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Axad 30 Aug 2026 {HMC} Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay heleen caddeymo iyo xog ay ku tilmaameen kuwo muujinaya iskaashi ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen, xilli magaalada Baydhabo ay ka dhaceen weerarro iyo qaraxyo isdaba joog ah.
Shir aan caadi ahayn oo uu guddoomiyay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa goluhu kaga hadlay xaaladda amni ee maamulka, gaar ahaan weerarradii iyo qaraxyadii ka dhacay Baydhabo 17-kii Agoosto.
Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in magaalada lagu soo qaaday ku dhowaad 10 qarax oo isugu jiray gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo miinooyin ay wateen dad ismiidaamiyay, kuwaas oo sida uu sheegay maamulka ka dhacay xarumo ciidan iyo goobo kale oo magaalada ka tirsan.
Warbixinta kasoo baxday shirka ayaa lagu sheegay in xogta ay soo gudbiyeen hay’adaha amniga ee Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka ay muujinayaan xiriir u dhexeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyada uu hoggaamiyo Cabdicasiis.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.