Translation being prepared
The reader translation for this story is still being prepared. The original source text is available below.

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho — Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) iyo Machadka Raoul Wallenberg ee Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Bani’aadannimada (RWI) ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxeexday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu taageerayo dhismaha iyo xoojinta aasaaska Guddiga, si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ah ee Paris.
Heshiiskan ayaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta hay’adda, dhismaha nidaamyada maamulka, kobcinta awoodaha shaqaalaha, is-weydaarsiga khibradaha iyo xoojinta ilaalinta xuquuqda aadanaha, si loo dhiso guddi madax-bannaan, lagu kalsoonaan karo isla markaana wax-ku-ool ah.
Heshiiska waxaa kala saxeexday Guddoomiyaha GMXIQ Dr. Maryan Qasim iyo Agaasimaha Fulinta ee Machadka RWI Peter Lundberg, intii lagu guda jiray kulan heer sare ah oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin sare oo labada dhinac ka socday, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa xusay in heshiiskan uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta hay’adaha ilaalinta caddaaladda iyo sharciga ee Soomaaliya.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.