Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dawladda Hoose ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Maxamed Almowallad, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta Caasimadda. Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa Danjiraha uga warbixiyay halka ay ma

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dawladda Hoose ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Maxamed Almowallad, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta Caasimadda.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa Danjiraha uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha dib-u-dhiska Caasimadda, horumarinta adeegyada bulshada iyo qorshayaasha mudnaanta u leh Maamulka Gobolka Banaadir ee la xiriira horumarinta kaabayaasha muhiimka ah. Sidoo kale, wuxuu uga mahadceliyay Boqortooyada Sucuudiga kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay ka qaadato taageeridda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Duqa Muqdisho ayaa adkeeyay muhiimadda ay Maamulka Gobolka Banaadir siinayaan xoojinta iskaashiga ay la leeyihiin hay’adaha Boqortooyada Sucuudiga ee ka shaqeeya barnaamijyada horumarinta, si ay uga qeyb qaataan hirgelinta mashaariic waaweyn oo wax looga qabanayo baahiyaha ka jira kaabayaasha dhaqaalaha, waddooyinka, bullaacadaha iyo adeegyada bulshada.
Dhankiisa, Danjire Almowallad ayaa bogaadiyay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda, isagoo ballanqaaday inuu sii xoojin doono fududeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Muqdisho iyo hay’adaha Boqortooyada Sucuudiga ee taageera mashaariicda horumarineed, si loo hirgeliyo qorshayaasha mudnaanta u leh Maamulka Gobolka Banaadir.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.