Guddoomiyaha Gollaha Shacabka oo lagu wargeliyay howlgal amni oo ka dhacay Baydhabo
BAYDHABO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga, kuwaas oo warbixin ka siiyay howlgal amni oo laga fuliyay magaalada Baydhabo. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
BAYDHABO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga, kuwaas oo warbixin ka siiyay howlgal amni oo laga fuliyay magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Taliyaha Qeybta 60-aad, Korneel Isaaq Berdaale, iyo Taliyaha Nabad-sugidda Koonfur Galbeed, Macalin Saalax Cabdinuur Cali.
Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka faahfaahin ka siiyay shaqaaqo ka dhacday magaalada Baidoa, iyo howlgal ay sheegeen in ciidamada amnigu ku guuleysteen inay ku fashiliyaan isku day ay sameeyeen maleeshiyaad hubeysan oo lagu eedeeyay inay carqaladeynayeen amniga magaalada.
Sida ay sheegeen saraakiishu, ciidamada amniga ayaa si degdeg ah uga jawaabay xaaladda, isla markaana ku guuleystay inay soo afjaraan howlgalka, ayna soo celiyaan xasilloonida magaalada.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.