Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa ka doodista qorshe-howleedka Golaha iyo Guddiyada ee Kalfadhiga 8-aad. Ugu horreyn Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraa

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa ka doodista qorshe-howleedka Golaha iyo Guddiyada ee Kalfadhiga 8-aad.
Ugu horreyn Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada u soo bandhigay isla markaana faahfaahin ka bixiyay qorshe-howleedka Golaha, shuruucda soo gaartay Aqalka Sare, iyo hindise-sharciyeedyada weli sugaya dhammeystirka habraacyada akhrisyada u haray, si mudanayaashu uga gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran.
Intaas kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa dood iyo falanqayn qoto-dheer ka yeeshay ajandaha kulanka, iyagoo sidoo kale soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku saabsan hannaanka shaqo ee Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare inta lagu guda jiro Kalfadhiga 8-aad.
Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahadceliyay talooyinka, aragtiyaha iyo doodihii miro-dhalka ahaa ee ay soo bandhigeen, kuwaas oo salka ku hayay horumarinta hannaanka waajib gudashada Golaha iyo xoojinta doorka korjoogteynta. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay xubnaha guddiga inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo shaqada ay u hayaan Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.