Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Hantidhowraha Guud oo Shirkadda Favori Fulinta Kala Hadlay Talooyinka Baarista Maaliyadeed
MUQDISHO – Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, oo ay wehliyaan Saraakiil iyo La-taliyeyaal ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Shirkadda Favori LLC, Mustafa Durgut, kaas oo lagu gorferyey sidii ay Shirkadda Favori u fulin lahayd talooyinka hantidhowrka ee la xiriiray natiijadii ka soo baxday baaristii horay loogu […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
MUQDISHO – Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, oo ay wehliyaan Saraakiil iyo La-taliyeyaal ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Shirkadda Favori LLC, Mustafa Durgut, kaas oo lagu gorferyey sidii ay Shirkadda Favori u fulin lahayd talooyinka hantidhowrka ee la xiriiray natiijadii ka soo baxday baaristii horay loogu sameeyey shirkadda, gaar ahaan maamulkeeda dakhliga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Dhammaan doodihii lagu soo bandhigay kulanka waxa ay xoojinayeen isla-xisaabtanka, waxa ayna hagaajinayaan warbixinnada maaliyadeed ee shirkadda, isla-markaana waxa ay adkeeynayaan in waqtiga loogu talagalay lagu fuliyo talooyinka hantidhowrka ee ku jiray baarisyadii lagu sameeyey Shirkadda Favori.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah loo dul-istaagay muhiimadda ay leedahay in Shirkadda Favori LLC si dhammeystiran u fuliso Heshiiska Dheef-wadaagga ah ee ay kula jirto dowladda Soomaaliya, gaar ahaana in ay xaqiijiso in Hantidhowrayaal madaxbannaan ay baaris sanadle ah ku sameeyaan Warbixinnada Maaliyadeed ee Shirkadda Favori LLC.
Mustafa Durgut ayaa sheegay in ay adkeynayaan sii wadista wada-shaqaynta Xafiiska Hantidhowrka Guud, si ay ugu dambeyn u hirgalaan talooyinka baarista, loona ayido in warbixinta maaliyadeed ee Favori ay noqoto mid daahfuran.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.