Hantidhowrka oo u digay guddiga shaqaalaha rayidka kadib amarkii Xamza
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska hantidhawrka guud ee qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale oo bayaan culus soo saaray ayaa u digay guddiga shaqaalaha rayidka oo haatan ku hawlan dib-u-habeynta shaqaalaha iyo saraakiisha sar sare ee dowladda, kadib markii xafiiska Ra’iisul…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska hantidhawrka guud ee qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale oo bayaan culus soo saaray ayaa u digay guddiga shaqaalaha rayidka oo haatan ku hawlan dib-u-habeynta shaqaalaha iyo saraakiisha sar sare ee dowladda, kadib markii xafiiska Ra’iisul wasaaruhu uu soo saaray amar saameynaya dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda oo ay ku jiraan xafiisyada hantidhawrka iyo xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka.
Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in xafiiska hantidhawrka uu yahay hay’ad dastuuri ah oo madax-bannaan, isla markaana leh madax-bannaani maamul iyo mid maaliyadeed, laguna dhisay qodobka 177-aad ee Dastuurka JFS.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in awoodaha, waajibaadka iyo shaqooyinka hantidhawrka lagu faah-faahiyey sharciga maareynta maaliyadda guud, sharci Lr. 17 ee 2019 iyo sharciga hantidhawrka guud, sharci Lr. 14 ee 2023.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Xafiiska Hantidhawrka Guud waa hay’adda ugu sarreysa ee u xil-saaran hantidhawrka, diiwaangelinta iyo ilaalinta hantida guud iyo macaamilada maaliyadeed ee dowladda, isla markaana fulisa kormeer iyo daba-gal ku saabsan maaraynta khayraadka guud. Sidoo kale, waxa uu hubiyaa dhowrista iyo ku dhaqanka shuruucda maamulka maaliyadda iyo miisaaniyadda Dowladda”.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidaas oo kale, waxa uu hubiyaa dhowrista iyo ku dhaqanka shuruucda maamulka maaliyadda iyo miisaaniyadda Dowladda”.
Dhanka kale, wuxuu u digay guddiga shaqaalaha rayidka dowladda oo haatan ku howlan fulinta amar kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku aadan in dib u habeyn lagu sameeyo shaqaalaha rayidka iyada oo ujeedka uu yahay in tartan furan loo galo shaqooyinka dowladda.
“Marka la eego qodobada kor ku xusan, waxaa waajib sharci ku ah Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda in uu si buuxda u dhowro madax-bannaanida dastuuriga ah ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee JFS, isla markaana tallaabo kasta, go’aan kasta ama habraac kasta oo khuseeya Xafiiska lagu saleeyo Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee lagu dhisay laguna nidaamiyo Xafiiska,” ayaa mar kale lagu yiri warqadda.
Hawtidhawrka ayaa si gaar ah u faray guddiga shaqaalaha rayidka in aysan qaadin ama dhaqan-gelin tallaabo wax u dhimaysa, xaddidaysa ama ka hor imaanaysa madaxbannaanida, awoodaha iyo nidaamka sharciyeed ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee JFS.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · shaqaalaha · rayidka · digay
Keep reading
Live story thread
Open live story