Hay’adda MSF oo ka Qaylisay Faafitaanka Cudurka Ebola iyo Halistiisa DR Congo
Hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa ka digtay faafitaanka degdegga ah ee Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) taas oo abuurtay xaalad “aad looga naxo”. Isaga oo ka hadlayay laba toddobaad kadib markii uu cudurka dillaacay, agaasime ku xigeenka MSF Dr Alan Gonzales wuxuu sheegay in aan waligood la diiwaan […]
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa ka digtay faafitaanka degdegga ah ee Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) taas oo abuurtay xaalad “aad looga naxo”.
Isaga oo ka hadlayay laba toddobaad kadib markii uu cudurka dillaacay, agaasime ku xigeenka MSF Dr Alan Gonzales wuxuu sheegay in aan waligood la diiwaan gelin “kiisas badan” oo sidan oo kale ah dhowaan.
Hadalkiisa ayaa yimid iyada oo madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, uu booqday gobolka bariga Congo ee Ituri – oo ah meesha ugu daran ee uu saameeyay cudurka – si uu u kormeero dadaallada lagu xakameynayo fayraska.
Hadda waxaa jira in ka badan 1,000 oo kiis oo looga shakisan yahay Ebola oo ka dhacay DR Congo, iyo ugu yaraan 246 dhimasho. Dalka deriska la ah ee Uganda ayaa soo sheegay sagaal kiis oo la xaqiijiyay iyo hal dhimasho.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Wargeyska Dawan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.