Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan la yeeshay Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Caleema-saarka. Kulanka ayaa lagu dhageystay warbixin ku saabsan heerka uu marayo diyaar-garowga munaasabadda, iyadoo guddigu ay soo bandhigeen qorshayaasha la xiriira qabanqaabada, soo dhoweynta martida

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan la yeeshay Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Caleema-saarka.
Kulanka ayaa lagu dhageystay warbixin ku saabsan heerka uu marayo diyaar-garowga munaasabadda, iyadoo guddigu ay soo bandhigeen qorshayaasha la xiriira qabanqaabada, soo dhoweynta martida, sugidda amniga iyo howlaha kale ee muhiimka u ah qabsoomidda munaasabadda.
Hoggaamiyaha iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa bogaadiyey dadaalka guddiga, iyagoo ku adkeeyey in la dardargeliyo howlaha haray si munaasabadda caleema-saarku ugu qabsoonto si habsami leh oo heer sare ah.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu xoojiyey muhiimadda iskaashiga hay’adaha dowladda iyo guddiyada kala duwan si loo xaqiijiyo in munaasabaddu u dhacdo si wanaagsan, isla markaana ay ka tarjumeyso midnimada iyo horumarka Dowladda Koonfur Galbeed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.