Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka
Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah iyo booshkiisa, kana soo baxsaday weerarrada Ciidamada Qaranka ay deegaanka Ugunji ugu geysteen Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Horjoogaha isku soo dhiibay Ciidamada ayaa sheegay in Gobollada Hiiraan Sh/Hoose iyo Shabeellaha Dhexe uu ka […]
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah iyo booshkiisa, kana soo baxsaday weerarrada Ciidamada Qaranka ay deegaanka Ugunji ugu geysteen Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Horjoogaha isku soo dhiibay Ciidamada ayaa sheegay in Gobollada Hiiraan Sh/Hoose iyo Shabeellaha Dhexe uu ka soo dagaalamay intii uu ka tirsanaa Khawaarijta, iyadoo dhawaan gurmad ahaan loo keenay tuulada Ugunji, balse markii uu u adkeysan waayey howlgallada is dabajoogga ah ee Ciidamada Qaranka ayuu isku soo dhiibay Geesiyaasha Xoogga Dalka.
Wuxuu sheegay in noloshu ku adkaatay, cabsi badana ay kala kulmeen weerarrada lagu baacsanayo cadowga Khawaarijta ah ee Ciidamada Qaranku ay ku beegsanayaan goobaha ay ku dhuumaaleystaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada, taasi oo ku kaliftay in maanta uu isku soo dhiibo Ciidamada Qaranka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.