Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Ilaalada Liibaan Shuluq oo dad shacab ah ku dilay Caabudwaaq
Xiisad ayaa ka taagan degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaddib markii ay shalay gelinkii dambe ilaalada musharaxa Galmudug Liibaan… Sii akhri

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Xiisad ayaa ka taagan degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaddib markii ay shalay gelinkii dambe ilaalada musharaxa Galmudug Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) ay halkaas ku dileen ugu yaraan labo qof oo rayid ah.
Ilaalada badan oo watay Liibaan Shuluq ayaa rasaas ku furay dad shacab ah oo ka qaybgalay soo dhaweyn degmadaas loogu sameeyay musharaxa, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan labada qof iyo dhaawaca tiro kale.
Dhacdadan waxay soo dhaweyntii u baddeshay xiisad xoogan oo u dhaxaysa musharax Liibaan Shuluq iyo dadka deegaanka, taas oo weli ka taagan Caabudwaaq, islamarkaana aysan jirin cid ka hadashay.
Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah wafdiga Liibaan Shuluq ee tagay Caabudwaaq. Liibaan Shuluq ayaa ah musharaxa ururka dowladda ee JSP uu u wata madaxweynaha Galmudug.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.