Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Maamulka gobolka oo qaaday tallaabo farxad-gelisay reer Muqdisho
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay qaaday tallaabo culus oo farxad-gelisay reer Muqdisho, kadib markii uu ku dhawaaqay in la bilaabay dhismaha waddada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dhismaha waddadan ayaa waxaa horay u saameeyay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho oo hakad-geliyay, iyada oo haatan maamulka gobolka Banaadir uu dhismo ku bilaabay

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay qaaday tallaabo culus oo farxad-gelisay reer Muqdisho, kadib markii uu ku dhawaaqay in la bilaabay dhismaha waddada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Dhismaha waddadan ayaa waxaa horay u saameeyay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho oo hakad-geliyay, iyada oo haatan maamulka gobolka Banaadir uu dhismo ku bilaabay, si wax looga qabto dhibaatada ka taagan waddadaas.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa shaaca ka qaaday in waddadan lagu soo celin doono sidii ay ahaan jirtay bariisamaadkii, isla markaana lagu sameyn dib u dayactir, maadaama ay halbowle u tahay isku socodka ganacsiga, dadka iyo gaadiidka.
“Waxaan rabnaa inaan ka howlgalno waddada Bakaaraha oo aan dhisno, kuna soo celino sidii bariisamaadkii ay ahaan jirtay Shirkadda Docol oo aan siinay mashruucaas iyadana waxay ballan qaaday in muddo isbuuc ah ay ku dhisto waddadaas,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.