Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya
Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya? The post Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya first appeared on Radio Dalsan .

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?
Muqdisho – Wada shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali, iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa horseed u noqotay guulo wax ku ool ah oo sare u qaaday sumcadda kubadda cagta Soomaaliya ee fagaaraha caalamka, kuwaas oo keentay in Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, uu go’aansado inuu dhamaadka sanadkan booqasho taariikhi ah ku yimaado Soomaaliya .
Booqashadan ayaa ah mid taariikhi ah, sababtoo ah waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Madaxweyne FIFA uu soo booqdo Soomaaliya, waxayna ka tarjumaysaa kalsoonida ay FIFA ku qabto horumarka kubadda cagta Soomaaliya . Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), oo muddooyinkii u dambeeyay ka qeyb galay kulamo heer sare ah oo ka dhacay dalka Mareykanka, ayaa sheegay in wada-hadallo uu la yeeshay Madaxweynaha FIFA ay Soomaaliya u horseedeen fursado muhiim ah .
Cali Shiine ayaa xusay in iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya Wasaaradda iyo Xiriirka uu door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya FIFA, isagoo tilmaamay in booqashadan la filayo ay dhabaha u furi doonto iskaashi cusub, maalgelin iyo mashaariic lagu horumarinayo garoomada kubadda cagta, kor u qaadidda aqoonta tababarayaasha, garsoorayaasha, horumarinta ciyaartoyda da’yarta, kobcinta kubadda cagta haweenka iyo xoojinta dhinacyada farsamada iyo maamulka kubadda cagta Soomaaliya .
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.