Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha
Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku baaqay in dunidu ka faa’iidaysato fursadaha uu bixiyo Sirdoonka Macmalka ah (Artificial Intelligence – AI), isla markaana horumarkiisa lagu saleeyo danta iyo badbaadada aadanaha. Khudbaddii furitaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee Sirdoonka Macmalka ah ee 2026 (World AI Conference) iyo kulanka heerka

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku baaqay in dunidu ka faa’iidaysato fursadaha uu bixiyo Sirdoonka Macmalka ah (Artificial Intelligence – AI), isla markaana horumarkiisa lagu saleeyo danta iyo badbaadada aadanaha.
Khudbaddii furitaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee Sirdoonka Macmalka ah ee 2026 (World AI Conference) iyo kulanka heerka sare ee maamulka caalamiga ah ee AI, oo lagu qabtay magaalada Shanghai 17-kii Luulyo 2026, ayuu Madaxweyne Xi ku sheegay in AI uu noqday mid ka mid ah tiknoolajiyada ugu muhiimsan ee horseedaya horumarka caalamka.
Shirka waxaa ka qeyb galay madax iyo masuuliyiin caalami ah, oo ay ku jireen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres.
Xi Jinping ayaa xusay in ereyga “Artificial Intelligence” markii ugu horreysay la adeegsaday 70 sano ka hor shirkii Dartmouth ee dalka Mareykanka, isagoo sheegay in cilmi-baarayaal iyo hal-abuurayaal ka kala socda dalal badan ay tan iyo xilligaas si joogto ah u horumarinayeen tiknoolajiyadan.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.