Mareykanka iyo Iiraan oo duqeymo isweydaarsaday iyo wada-hadalladii oo…
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dhammaadkii toddobaadka ay duqeysay fariisimo ciidan oo ay Iiraan leedahay, halka Tehran ay sheegtay inay dhankeeda kaga jawaabtay weerar ay ku qaaday saldhig ciidan oo Mareykanku leeyahay. Tani waxay noqoneysaa xiisaddii saddexaad ee toddobaad gudihiis ka dhacda agagaarka marin-biyoodka Hormuz. Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTC

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dhammaadkii toddobaadka ay duqeysay fariisimo ciidan oo ay Iiraan leedahay, halka Tehran ay sheegtay inay dhankeeda kaga jawaabtay weerar ay ku qaaday saldhig ciidan oo Mareykanku leeyahay. Tani waxay noqoneysaa xiisaddii saddexaad ee toddobaad gudihiis ka dhacda agagaarka marin-biyoodka Hormuz.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inay qaadeen “weerarro is-difaac ah” oo looga jawaabayay “ficillo gardarro ah oo Iiraan ay sameysay”, kuwaas oo ay ku jirtay soo rididda diyaarad aan duuliye lahayn (drone) oo Mareykanku leeyahay, taas oo lagu soo riday hawada sare ee biyaha caalamiga ah.
Dhinaca kale, Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay beegsadeen saldhig cirka ah oo ciidamada Mareykanku u adeegsadeen inay weerarro uga geystaan gudaha Iiraan.
CENTCOM ayaa shaacisay in laba gantaal oo nooca baalistigga ah oo ay Iiraan ku bartilmaameedsaneysay ciidamada Mareykanka ee dalka Kuweyt lagu burburiyay hawada, isla markaana “wax khasaare ah aysan soo gaarin askarta Mareykanka”.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.