Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.
Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda. The post Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya. first appeared on Radio Dalsan .

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Mareykanka oo 600,000 oo Kaneeco ah Sii Deynaya si Looga Hortago Faafitaanka Cudurrada WASHINGTON — Hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada ayaa laga hirgeliyey deegaanno ka tirsan Washington DC iyo nawaaxigeeda, iyadoo boqollaal kun oo kaneeco lab ah lagu sii deynayo xaafadaha si loo yareeyo tirada kaneecada gudbisa cudurrada.
Shirkad Mareykan ah oo lagu magacaabo Bee Safe Mosquito Control ayaa qorsheyneysa inay xagaagan sii deyso ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah , kuwaas oo si gaar ah loogu diyaariyey inay carqaladeeyaan taranka kaneecada duurjoogta ah.
Kaneecada la sii deynayo waa lab, sidaas darteed dadka ma qaniinto. Waxay siddaa bakteeriyo dabiici ah oo loo yaqaan Wolbachia , taas oo marka kaneecada labka ahi la kulanto dheddigga duurjoogta ah sababta in ukumaha ka dhasha aysan dillaacin.
Habkan ayaa loogu talagalay in si tartiib tartiib ah loo yareeyo tirada kaneecada, iyadoo aan si weyn loogu tiirsanaan sunta cayayaanka lagu buufiyo.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.