Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Maxaa Ka Jira: Cali Isaaq Ibraahim oo Lagu Eedeeyay inuu U Goostay Ciidamada Laftagareen?
Baydhabo (Raxanreeb Online): Warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Cali Isaaq Ibraahim, oo ka tirsan Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, uu u goostay ciidamada taabacsan Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo. Cali Isaaq Ibraahim ayaa la sheegay inuu yahay walaalka Taliyaha Guutada 8-aad ee Qeybta... The post Maxaa Ka Jira: Ca

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Baydhabo (Raxanreeb Online): Warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Cali Isaaq Ibraahim, oo ka tirsan Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, uu u goostay ciidamada taabacsan Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.
Cali Isaaq Ibraahim ayaa la sheegay inuu yahay walaalka Taliyaha Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad, Cabdulle Isaaq, hase yeeshee xogta ku saabsan goosashadiisa iyo sababta uu dhinacaas ugu biiray weli ma hayso xaqiijin rasmi ah.
Haddii warkani xaqiiqo noqdo, wuxuu imaanayaa xilli Baydhabo iyo nawaaxigeeda ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay isku hayaan arrimo siyaasadeed iyo amni.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, Qeybta 60-aad ama dhinaca ciidamada Laftagareen oo xaqiijinaya ama beeninaya warkan. Sidaas darteed, xogtan waa in loo qaataa war hordhac ah ilaa ilo rasmi ah ay ka hadlaan.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Raxanreeb Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.