Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Maxay yihiin qodobada wax ka baddelka lagu sameeyay ee Dastuurka Puntland?
Baarlamaanka ayaa maanta wax ka baddel ku sameeyay qodobo ka mid ah Dastuurka Puntland, kaddib soo jeedin ka timid xukuumadda… Sii akhri

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Baarlamaanka ayaa maanta wax ka baddel ku sameeyay qodobo ka mid ah Dastuurka Puntland, kaddib soo jeedin ka timid xukuumadda madaxweyne Deni.
Qodobka 79-aad ee Dastuurka Puntland oo ka hadlaya muddada xil haynta madaxweynaha oo inta badan ay siyaasiyiinta mucaaradka diidanaayeen in wax laga baddelo ayaa sidiisii loo daayay oo aan waxba laga baddelin, sida uu sheegay xildhibaan Yaasiin Jaamac Cumar oo faahfaahin ka bixiyay qodobada wax laga baddelay Dastuurka.
Qodobada wax laga baddelay ayuu ku sheegay 37-aad, 41-aad, 44-aad, 47-aad, 74-aad, 81-aad, 113-aad, 126-aad iyo 90-aad, kuwaas inta badan la xiriira doorashooyinka qof & cod, dhaqaalaha rayidka ah oo labo maalmood oo fasax ah la siiyay iyo waqtiga xilhaynta garsoorka.
Wax ka baddelka Dastuurka waxaa u codeeyay in la meelmariyo oo haa ku ogolaatay 41 xildhibaan, wax diiday ma jirin, halka ay ka aamuseen afar mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.