Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Maxeey ka wada Hadleen RW Xamse iyo dhiggiisa dalka Qatar.?
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani, kadib booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Qatar. Ra’iisul Wasaare Xamse oo ay wehliyeen wasiirro iyo mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan weftiga ayaa dhiggiisa […] The post Maxeey ka wada

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani, kadib booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo ay wehliyeen wasiirro iyo mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan weftiga ayaa dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, horumarraddii la gaaray sanadihii dambe iyo guulaha dhanka amniga iyo xasilloonida ee lagu tallaabsaday.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa si qoto dheer uga wada xaajooday qadiyadaha caalamka ee dhanka amniga, nabadda iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helista arrimaha carqaladda ku ah habsami u socodka Ganacsiga Adduunka.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar Mudane Sheekh Maxamed, ayaa dhankiisa si weyn u boggaadiyay horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya iyo wax-qabadka dowladda Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan, kuna dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.