Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Maxeey ka wadahadleen Madaxweynayaasha Ruushka iyo Iiraan.?
Sabti, 29, August 2026 {HMC} Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa Isniinta u safri doona magaalada Bishkek ee caasimadda Kyrgyzstan, si uu uga qayb galo shir madaxeedka labada maalmood soconaya ee Ururka Iskaashiga Shanghai. Shirka waxaa sidoo kale ka qayb geli doona Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo Ra’iisul [

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Sabti, 29, August 2026 {HMC} Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa Isniinta u safri doona magaalada Bishkek ee caasimadda Kyrgyzstan, si uu uga qayb galo shir madaxeedka labada maalmood soconaya ee Ururka Iskaashiga Shanghai. Shirka waxaa sidoo kale ka qayb geli doona Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.
Kremlin-ka ayaa sheegay in Putin uu kulan gaar ah la yeelan doono Pezeshkian iyo Xi Jinping inta uu shirku socdo.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu galay bishii lixaad, halka dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu socday in ka badan afar sano iyo bar.
Ruushka iyo Iran ayaa sannadihii u dambeeyay si weyn u xoojiyay xiriirkooda milatari iyo dhaqaale, gaar ahaan intii uu socday dagaalka Ukraine.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.