Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid
Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf, Imaamkii beesha Mudulood Hiraab, deegaanka Ceel- Cirfiid ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo hore loogu aasay Imaamkii isaga ka horreeyay, Imaam Maxamuud. Marxuumka ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, xilli uu halkaas ugu maqnaa daryeel caafimaad, waxaana Salaadda janaasada lagula tukan doonaa Masjidka Iskaashiga [̷

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf, Imaamkii beesha Mudulood Hiraab, deegaanka Ceel- Cirfiid ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo hore loogu aasay Imaamkii isaga ka horreeyay, Imaam Maxamuud.
Marxuumka ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, xilli uu halkaas ugu maqnaa daryeel caafimaad, waxaana Salaadda janaasada lagula tukan doonaa Masjidka Iskaashiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, Culimaa’uddiin, isimmo iyo waxgarad, iyo sidoo kale ehelka, qaraabada iyo dadweyne fara badan.
La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Salaad Cali Jelle, ayaa ka hadlay taariikhda iyo doorkii wax-ku-oolka ahaa ee marxuumku ku lahaa dib u heshiisiinta bulshada, nabadeynta iyo dib u dhiska dowladnimada.
Sidoo kale, Imaam dhaahir Imaam Maxamuud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ka hadlay noloshii, halgankii iyo adeegyadii uu marxuumku u soo qabtay bulshada Soomaaliyeed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.