Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Midowga Afrika oo kulan degdeg ah ka yeelanaya mustaqbalka howlgalka AUSSOM kadib go’aanka Mareykanka
Midowga Afrika (AU) ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan La-taliyeyaasha Militariga iyo Difaaca…

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Midowga Afrika (AU) ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan La-taliyeyaasha Militariga iyo Difaaca…
Midowga Afrika (AU) ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan La-taliyeyaasha Militariga iyo Difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC), kaddib markii Dowladda Mareykanka ay si rasmi ah u shaacisay inay joojin doonto taageerada ay siiso Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) marka uu dhammaado muddada hadda jirta ee howlgalka AUSSOM, oo ku eg 31-ka Diseembar 2026.
Qoraal rasmi ah oo ay Guddiga Midowga Afrika (AUC) u dirtay safaaradaha iyo ergada joogtada ah ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay 1-da Luulyo 2026 soo gudbisay warqad rasmi ah (Note Verbale 118-26), taas oo lagu caddeeyay in aysan taageeri doonin sii wadista UNSOS wixii ka dambeeya muddada hadda la oggolaaday.
Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in go’aankan uu yeelan karo saameyn ballaaran oo ku saabsan saadka, habsami-u-socodka howlgalka iyo maalgelinta ciidamada AUSSOM ee ka hawlgala Soomaaliya.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Horseed Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.