Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Aadan (Cumar Abdulkadir Cartan), ayaa lagu qabtay xarunta ganacsiga ee BBS Mall ee magaalada Nairobi, iyadoo ay ka soo qaybgaleen kumannaan qof oo isugu jiray bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada Islii iyo marti sharaf kale. Munaasabadda ayaa ahayd […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Aadan (Cumar Abdulkadir Cartan), ayaa lagu qabtay xarunta ganacsiga ee BBS Mall ee magaalada Nairobi, iyadoo ay ka soo qaybgaleen kumannaan qof oo isugu jiray bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada Islii iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu muujinayay taageero iyo garab istaag loo fidiyay garsoore Cartan, iyadoo lagu bogaadiyay doorkiisa taariikhiga ah ee uu ku mutaystay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah,ee loo xusho inuu ka garsooro tartanka Koobka Adduunka ee FIFA, arrintaas oo loo arko guul weyn oo u soo hoyatay guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed.
Waxaa munaasabadda ka soo qayb galay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jibriil Cabdulle Ibraahim,Guddoomiyaha Gobolka Wajeer Axmed Cabdullaahi, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Kenya (FKF) Xuseen Maxamed, Xildhibaan Farax Macallin, Xildhibaan Yuusuf Xasan, Guddoomiyaha BBS Mall Cabdiweli Macallin iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday dowladda Kenya, Soomaaliya iyo bahda ciyaaraha.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.