Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Muqdisho Oo Martigelisay Shir Dhaqaale Oo Muhiim Ah
Shirka 4aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha oo ay soo qabanqaabisay Bankiga Dhexe ayaa Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, iyadoo 75 hay'adood. The post Muqdisho Oo Martigelisay Shir Dhaqaale Oo Muhiim Ah first appeared on Radio Dalsan .

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho – Shir-sanaadeedkii 4aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha, oo uu soo qabanqaabiyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) , ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyadoo shirku uu socday laba maalmood. Shirkan waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 75 hay’adood oo ay ka mid yihiin wasaarado iyo hay’adaha dowladda, hay’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, ururrada bangiyada, xawaaladaha amaahda yar-yar shirkadaha caymiska jaamacadaha machadyada cilmi-baarista, iyo khubaro dhaqaale.
Shirkan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxa uu ka dhigan yahay isku-duwidda hay’adaha dhaqaalaha dalka si looga wada hadlo xasiloonida maaliyadeed iyo saameynta dhimista taageerada dhaqaale ee dibedda. Shirka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige isagoo ku ammaanay Bankiga Dhexe qaban-qaabada shirkan sannadlaha ah isla markaana ku booriyey hay’adaha dowladda inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan arrimaha kobcinta dhaqaalaha dalka.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay kaqaybgalayaasha, isagoo ka warbixiyay dadaallada xooggan ee Bankigu ku tallaabsaday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay si loo kordhiyo xasiloonida maaliyadeed ee dalka. Waxa uu sheegay in Bankigu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed iyo kor u qaadida kalsoonida dadweynaha.
Gudoomiye Ku-xigeenka Bankiga Dhexe Dr. Cali Yaasiin Sheekh Cali ayaa faahfaahiyey warbixinta sahanka helitaanka adeegga maaliyadeed oo Bankigu dalka ka sameeyey isagoo kaashanaya hay’adaha kala duwan ee dalka, gaar ahaan Hay’adda Istaatiistikada Qaranka . Waxa uu sheegay in sahankani uu muhiim u yahay sidii loo qiimeyn lahaa baahida bulshada iyo horumarinta adeegyada maaliyadeed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.