Odayaasha Beledxaawo oo digniin soo saaray kadib xaalad soo korortay + Video
Beledxaawo (Caasimada Online) – Iyadoo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa maanta bayaan culus soo saaray odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmadaasi, kaas oo ay kaga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay, gaar ahaan colaadda Gedo.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Beledxaawo (Caasimada Online) – Iyadoo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa maanta bayaan culus soo saaray odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmadaasi, kaas oo ay kaga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay, gaar ahaan colaadda Gedo.
Odayaasha oo shir ku yeeshay Beledxaawo ayaa digniin kasoo saaray xiisadda ka taagan degmadaas, iyayga oo Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ka codsaday inay culayska ka dul-qaadaan, ayna joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda halkaasi, si looga hortago dagaal mar kale ka dhaca degmadaasi.
Qaar kamid ah duubabka dhaqana oo kulanka ka hadlay ayaa si gaar ah farriin ugu diray dowladda Soomaaliya, waxayna ka dalbadeen inay joojiso tallaab kasta oo horseedi karta isku dhac mar kale ka dhaca degmada Beledxawo. Waxaa kale oo ay ku baaqeen in arrimaha siyaasadda iyo maamulka ee dhaliyay khilaafka taagan lagu wajaho wada-hadal iyo deganaan.
Sidoo kale, odayaasha dhaqanka ayaa shaaca ka qaaday inay qaadan doonaan doorkooda, isla markaana ay ka qayb-qaadanayaan sidii looga gaari lahaa xal waara, si nabad loogu soo dabaalo guud ahaan gobolka Gedo.
“Dowladda haddii ay manfac leedahay waaa inuu ahaadaa nabadda ma rabno xabad nalagu laayo mar kale. Nama metalaan nimanka dhahaya is dila ee maalinba nin innoo soo diraayo waxaan leenahay colaadda aad noo soo xawileysaan naga daaya,” ayuu yiri mid kamid ah odyaasha deegaanka.
Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Waxaa noqonay meesha qamaarka lagu ciyaaro oo dadkeeda la barakiciyo oo dhibaatada joogtada ah laga fuliyo”.
Kulanka ayaa ugu dambeyn laga soo saaray go’aan culus oo looga hortagayo colaad mar kale ka dhacda Beledxaawo, waxaana odayaasha ay sheegeen in mar dambe aysan ogolaan doonin in dhexdooda la’isku diro, kadibna lagu dul dagaalamo.
“Waxaan go’aan ku gaarnay inaan joojino colaadda ka taagan Beledxaawo oo wiilasheenna gacmaha qabsano war dhibka naga daaya oo Ilaahey ka baqa,” ayuu mar kale lagu yiri bayaanka ay soo saareen odayaasha dhaqanka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · soo · beledxaawo · digniin
Keep reading
- Qurba-joogta Soomaalida oo si wayn uga soo dhex muuqanaysa siyaasadaha Caalamka
Somali National TV
- Muqdisho oo lagu daah-furay Bandhigga Caalamiga ah ee Wax-soo-saarka iyo Warshadaha Soomaaliya
Goobjoog Somali
- Shirkadaha dadka u dalxiis geeya deegaanka Jasiira oo amarro culus la dul dhigey
Goobjoog Somali