PSF oo sheegtay inay ka tirsan tahay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Puntland oo war kasoo saartayoo hawlgalkeedii Laag
War saxaafadeed lagu daabacay boggaga Facebook ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa lagu eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya, "in ay qayb ka tahay abaabulka ciidamadaan".
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
PSF oo sheegtay inay ka tirsan tahay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Puntland oo war kasoo saartayoo hawlgalkeedii Laag
Kadib iska hor imaad dhaxmaray ciidamada Puntland iyo ciidanka PSF ayaa labada dhinac waxay soo saareen hadalo ku aadan dagaalkii dhexmaray, iyaga oo sidoo kale eedo isku jeediyay.
BBC du waxay xiriir la sameysay labada dhinac, iyada si ay isugu daydo in ay wax ka ogaato waxa uu salka ku hayo isku dhacaan cusub.
Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay aroornimadii Isniinta, iyagoo ku jira "hawlgal amni oo caadi ah", lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso.
"Wuxuu ahaa hawlgal amni, mana ahayn hawlgal dagaal," ayuu yiri Cabdikhaaliq Awil.
Sida uu sheegay, ciidamadu waxay isku dayeen inay la xiriiraan saraakiisha dhinaca kale, balse taa beddelkeeda waxaa bilowday rasaas socotay ilaa salaaddii subax.
Cabdikhaaliq Awil wuxuu sheegay "inaanay jirin askar ama dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay iska horimaadka", inta uu isagu og yahay, inkastoo BBC aysan si madax bannaan u xaqiijin karin sheegashadaas.
Dhanka kale, Puntland ayaa BBC-da u sheegtay inay ku ekaanayso war saxaafadeed ay hore u soo saartay .
War saxaafadeedkaas ayay Puntland ku sheegtay in ciidamadeedu ay "hawlgal amni oo qorshaysan" ka fuliyeen deegaanka Laag, isla markaana ay muddooyinkii dambe halkaas ka socdeen "falal amni darro iyo qalqal gelin."
Waxay kaloo sheegtay in hawlgalka lagu soo afjaray kooxo hubeysan oo "dhibaato ku hayay amniga, xasilloonida iyo nabadda Puntland."
Puntland waxay intaa ku dartay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan, hub iyo rasaas, isla markaana ay sii wadi doonaan hawlgallada ay ku xaqiijinayaan amniga iyo xasilloonida.
Wareysiga BBC-da, Cabdikhaaliq Awil wuxuu diiday in PSF ay ahayd koox hubeysan oo falal amni darro waday.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- BBC Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · puntland · tahay · war
Keep reading
Live story thread
Open live story- Puntland hands over detained federal recruits to Galmudug state
Hiiraan Online
- Maxey tahay sababta Uganda ay xiriirka ugu jartay dowladda Turkiga ?
Raxanreeb Online
- Puntland Releases Troops Captured in Gaalkacyo
Caasimada Online