Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Puntland oo ku wareejisay DDS nin ku eedeysan dil
Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta ku wareejiyay laamaha amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Xiddig Siciid Sheekh Xirsi, kaas oo… Sii akhri

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta ku wareejiyay laamaha amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Xiddig Siciid Sheekh Xirsi, kaas oo ku eedeysan dilka marxuum Cabdi Maxamuud Wayrax oo dhacay taariikhdu markay ahayd 08/10/2018.
Wareejinta eedeysanaha oo ka dhacday degmada Galdogob waxaa hoggaaminayey Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), halka dhinaca Dowlad Deegaanka Soomaalida uu eedeysanaha kala wareegay Taliyaha Komaandhiska Booliska Gobolka Doolo, G/Dhexe Cabdullaahi Ibraahim Maxamuud.
Kadib wareejinta, labada taliye ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id, waxaana goob joog ka ahaa Kusimaha Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Galdogob, X/Le C/Raxmaan Yaasiin Xasan (Qoodaar).
Mas’uuliyiintu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta joogtada ah ee u dhexeysa Ciidanka Booliska Puntland iyo laamaha amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan is-weydaarsiga xogaha amniga iyo isu-gudbinta eedeysanayaasha ka baxsada labada dhinac, si loo xaqiijiyo caddaaladda, loona xoojiyo amniga iyo la-dagaallanka dambiyada ka gudba xuduudaha.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.