Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Puntland oo qabatay ciidamadii PSF ee ka baxsaday Laag
Ciidamada Puntland ayaa maanta qabatay dhammaan ciidamadii PSF ee xalay ka baxsaday deegaanka Laag ee degmada Boosaaso, sida ay saraakiil… Sii akhri

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Ciidamada Puntland ayaa maanta qabatay dhammaan ciidamadii PSF ee xalay ka baxsaday deegaanka Laag ee degmada Boosaaso, sida ay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen Puntland Post.
Ciidamadan waxaa la sheegay in lagu qabtay dhulka buuraleyda ah ee u dhexeeya deegaanka Laag iyo magaalada Boosaaso. Ilaa 70 askari oo PSF ah ayaa noqday wax la qabtay iyo kuwa isu soo dhiibay ciidamada Puntland.
Sidoo kale isu socodka gaadiidka ee waddada xiriirisa Puntland ayaa maanta dib loo furay, kaddib markii shalay ay dowladdu ka xirtay inta u dhaxaysa Boosaaso iyo deegaanka Kalabayr.
Gaadiidkii tiknikada ee lagala wareegay ciidamada PSF ayaa la geeyay magaalada Boosaaso, kuwaas oo gaarayay ilaa 8 gaari oo ah nooca Soomaalidu u taqaano Cabdi-bilaha.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.