Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Puntland oo shaacisay saraakiil ay ku qabatay xerada PSF ee Gaalkacyo
Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka berri magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeyay ciidamdeeda iyo ciidamada PSF… Sii akhri

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka berri magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeyay ciidamdeeda iyo ciidamada PSF oo hadda ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in xerada PSF lagu qabtay ka mid ah saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada PSF, kuwaas oo kala ah Giijaale Cabdi Baydhabo, taliyihii PSF ee Gaalkacyo Baariyoow, ku-xigeenkiisii Mahad Mowliid iyo shakhsigii u qaabilsanaa maamulka xogta (Database) ee Booliska Soomaaliya.
Puntland waxay tilmaantay in ay howlgalkaas ku qabatay maxaabiis dhan 101 askari oo ka tirsan PSF iyo sidoo kale dhaawacyo gaaraya 60 qof.
Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in ay dagaalkaas ku qabatay hub, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, qoryo, rasaas, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo agab kale oo sida ay tilmaantay ku jiraan qalab ka mid ah deeqihii dawladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.